Kulan lagula xisaabtamayo xukuumadda PL oo Garowe ka furmaya

Image

December 27, 2014 (GO)- Kulan lagula xisaabtamayo golaha xukuumadda Puntland oo muddo labo maalmood ah socon doona ayaa maanta ka furmaya hoolka shirarka xarunta wasaaradda caafimaadka ee magaalada Garowe.

Kulanka waxaa kasoo qayb gelaya Madaxweyne Cabdiweli Gaas iyo dhammaan xubnaha golaha wasiirrada oo iyagu maanta mid mid uga warbixin doona waxqabadkooda sanadkan 2014 iyo waxyaabaha uga hirgalay qorsheyaalkii ay horay u dejiyeen.

Warbaahinta ayaa ka qayb geleysa kulanka waxaana si toos ah khudbadaha looga dhegeysan doonaa telefishinada iyo qaar kamid ah idaacadaha maxalliga ah gaar ahaan Radio Garowe.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas wuxuu horay u sheegay inuu mid mid ula xisaabtami doono golihiisa wasiirrada isagoo lagama maarmaan ku tilmaamay in bulshada loosoo gudbiyo waxqabadka wasaarad kasta.

Faah faahin ku saabsan kulankaas, sawirrada iyo khudbadaha mas'uuliyiintu jeediyaan wararkeena dambe ayaan idiinku soo gudbin doonaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM