Kulan lagula xisaabtamayo xukuumadda Puntland oo Garowe ka furmaya

Image

02 January, 2016(GO)-Waxaa magalada Garowe 02 January golaha xukuumadda Puntland uga furmaya shir dib loogu eegayo waxqabadka wasaaradaha sannadkii 2015 iyo qorshayaasha aan qabsoomin sababta u qabsoomi waayeen.

Shirka oo dhawr bari la qorsheeyay inuu socdo waxaa kasoo qayb gelaya Madaxweyne Cabdiweli Gaas iyo dhammaan xubnaha golaha wasiirrada oo iyagu mid mid uga warbixin doona waxqabadkooda sanadkan 2015 iyo waxyaabaha uga hirgalay qorsheyaalkii ay horay u dejiyeen. 

Warbaahinta ayaa ka qayb geleysa kulanka waxaana si toos ah khudbadaha looga dhegeysan doonaa telefishinada iyo qaar kamid ah idaacadaha maxalliga ah gaar ahaan Radio Garowe. 

Madaxweyne Cabdiweli Gaas wuxuu horay u sheegay inuu mid mid ula xisaabtami doono golihiisa wasiirrada isagoo lagama maarmaan ku tilmaamay in bulshada loosoo gudbiyo waxqabadka wasaarad kasta.

December 27, 2014, ayay ahayd markii Madaxweyne Gaas la xisaabtan ku sameeyay golihiisa xukuumadda iyadoo wasaaradduhu soo bandhigeen wixii u qabsoomay iyo caqabadaha soo wajahay.

La xisaabtanka ayaa ku soo beegmay xilli ay jiraan qorshayaal dhawr ah taasoo xukuumadda Madaxweyne Gaas ku hawllantahay, waxaana ka mid ah furitaanka garoonka diyaaraha magalada Bosaso, xuska 08 January oo ah markii dowladda hadda jirta la doortay iyo shirka 10 bishan ka furmaya magalada Kismayo ee looga hadlay habraaca doorashada Somalia.

Shirkan inta uu socdo khudbadaha, Sawirrada iyo warbixinnada waxaad kala socon doontaa Warsidaha Garowe Online.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM