Kulan looga hadlayo la-dagalanka Burcad badeeda oo Dubai ka socda

Image

October 29, 2014 (GO)-Magalada Dubai xarunta wadanka Imaaraadka Carabta waxaa ka socda shir looga hadlayo la-dagalaanka burcad badeedka kaasoo sanad kasta la qabto.

Kulankan waxaa lagu marti qaaday masuuliyiin ka socda dalalka Somalia/Puntland, Jabuuti, Kenya, Hay'addaha iyo shaqsiyaadka qaybta ka ah la-dagalanka lagula jiro Burcad badeeda.

Puntland ayaa kulankan waxaa u joogay madaxwayne Cabdiwali Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo iyadoona lagu wado Dr.Gaas inuu jeediyo khudbad ka hadlaysa dareenka ay Puntland ka qabto falalka burcad badeeda.

Agaasimihii hore ee ciidamadda PMPF Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Farole ahna mulkiilaha Radiogarowe/Garoweonline ayaa ka mid ah dadka lagu caasumay kulankan isaga ah,kaasoo ay soo qaban qaabiso Dubai Port.

Maxamed Cabdiraxmaan oo qayb libaax leh kasoo qaaday la-dagalanka burcad badeeda ayaa goor dhawayd Garowe Online u sheegay kulankan inuu ahmiyad bada xambaarsan yahay Puntland ayna ka mid tahay meelaha sida aadka ah looga nadiifiyay burcad badeeda.

Waxaan idiin soo gudbin doonaa sawiro iyo wararka khuseya kulankan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ardey Soomaaliyeed oo Lagu Xirey Turkiga loona Soo Tarxiiley Soomaaliya

Qaar ka mid ah ehelkiisa oo la hadlay Garowe Online waxay sheegeen in aan wali si rasmi…

  • Puntland

    27-07-2025

  • 10:47AM

Mareykanka oo howlgal gaar ah ka fuliyay Buuraha Calmiskaad, Puntland

Taliye sare oo katirsan kooxda ayaa lagu qabtay, kaasoo la sheegay inuu u qaabilsanaa dhanka maaliyadda.

  • Puntland

    26-07-2025

  • 02:03PM