Kulan loogu qaraamayey ciidamada PL oo Garowe ka dhacay

Image
Image
Image
Image

January 17, 2015 (GO)- Kulan tobannaan haween ahi kasoo qayb galeen oo qaaraan loogu uruurinayey ciidamada ammaanka Puntland gaar ahaan kuwa ku sugan jiidda hore ee buuraleyda Galgala ayaa xalay ka dhacay Hotelka Rugsan ee magaalada Garowe.

Kulanka waxaa soo qaban qaabisey marwada Madaxweynaha Puntland Hodon Siciid Ciise oo iyadu in muddo ah dalka dibadiisa ku maqneyd markii ay dib usoo laabateyna aad uga xumaatay xaaladda ciidamadu ku sugan yihiin iyo daryeel la'aanta haysata.

Marwo Hodon ayaa haweenka ku dhiiri gelisey inay ciidamada taageero dhaqaale u fidiyaan maadaama ay naftooda u hureen difaaca dalka, iyadoo taas sharaxaysay waxaa hadaladeedii kamid ahaa:

"ciidamadeenu waxay u baahan yihiin caawimo, dumarkeeni hore sida aad taarikhda ku haysaan waa ay garab istaagi jireen ciidanka inagana sidaas ayaa laynaga rabaa maanta...meelkasta oo haweenka Puntland joogaan mas'uuliyad ayaa ka saaran ciidanka" ayey tiri marwada Madaxweynuhu.

Dhanka kale Hodon Ciise ayaa si rasmi ah u daah furtay mashruuca qaaraanka loogu uruurinayo ciidanka iyadoo goobta ka iclaamisey inay jeebkeeda ka bixineyso lacag dhan $2,000.

"dhaqaalaha ugu horreeya anaa ku bilaabaya $2,000  ayaan ku bilaabaya waana lacagtayda, waana dhaqaale aan ugu talagalay ciidankeena kujira difaaca " ayey tiri.

Arintan ayaa kusoo aadeysa xilli si guud shaqaalaha dowladdu iyo ciidamada amniga ka cabanayaan mushahar la'aan baahsan oo gaarsiisan celcelis Shan bilood.

Ila wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in ciidamada Puntland kuwooda ku sugan buurleyda Galgala wax mushaharaad ah qaadan bishii December ee lasoo dhaafay iyo bisha January ee maanta 17-ka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM