Kulan mar kale dhexmarey madaxweynaha Puntland iyo Galmudug

Image

GALKAIO Dec 3, 2015 (GO)- Kulan deg deg ah oo ay goobjoog ahaayeen Ra'isal wasaraha Somalia iyo guddiyada dhexdhexaadinayey colaada magaalada Galkacayo ayaa waxaa uu galabta dhexmarey madaxweynaha dowlada Puntland iyo maamulka Galmudug.

Kulankaan ayaa ka dhacey gaari nooca xabada aan karin oo taagan Kontrool ku yaala xaafadda Garsoor halkaasoo maanta dagaal ku dhexmarey labada ciidamada dowlada Puntland iyo maamulka Galmudug. Ra'isal wasaraha Somalia oo goobjoog ahaa kulankaan  ayaa dalbadey joojin rasmiya laga gaaro dagaalka u dhexeeya labada ciidan. 

Wararka warsidaha Garowe online soo gaaraya ayaa sheegaya in kulankaan dhinaca kale goobjoog ka ahayeen taliye-yaasha ciidamada labada maamul ee Puntland iyo Galmudug.

Lagama hayo tafaasiil kale waxyaalaha lagaga hadley kulankaan iyadoo warsaxafdeedyo galabta kasoo baxey labada maamul midba midkale ku eedeeyey in dagaalkii maanta ka dhacey magaalada Galkacayo uu bilaabey.

Maalintii shaley 2 Dec, 2015 ayey aheyd markii heshiis 4 qodob ka kooban kala saxiixdeen madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug kaasoo goob joog ka ahayeen Ra'isal wasaaraha Somalia, maamulada Jubaland, Koonfur Galbeed iyo beesha caalamka.

GAROWEONLINE.

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM