Kulanka Deni iyo danjiraha Turkiga oo laga warbixiyey

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo danjiraha Turkiga u fadhiya Muqdisho, ayaa Isniintii asbuucan waxay yeesheen wadahadalo fogaan arag ah.

Deni oo qoraal kooban kasoo saarey shirkaas kuna faafiyey ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook ayaa soo bandhigay fahfaahin ku saabsan ajendaha diiradda lagu saarey wadaxaajoodka.

"Waxaan caawa kulan kula qaatay hab-ka maqal iyo muuqaalka ah ee (Zoom), Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz, waxaan ka wada hadalnay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Doorashada," ayuu yiri.

Dhankeeda safaaradda Turkiga ee caasimadda Muqdisho ayaa ciwaanadeeda baraha bulshadda waxay ku faafisay qoraal ay ku sharaxdey qodobadda ay isla jeex-jeexeen labadda mas'uul.

"Waxaan ku faraxsanahay in aan kulan fogaan arag ah la qaadano mudane Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha dowladda Puntland ee Soomaaliya. Waxaan is-weedaarsanay aragtiyo la xiriira xaaladihii ugu horeeyay ee siyaasadda iyo doorashooyinka Soomaaliya," ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee safaaradda.

Ankara oo taageero hub iyo ciidan u fidisay maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo kuwaasoo haatan u adeegsanayo arrimo siyaasadeed ayaa u muuqda mid kasoo dabcay mowqifkiisa.

Wallow aan la ogeyn ajandaha daaha gedaashiisa ku jira, kulanka safiirka Turkiga iyo Deni ayaa kusoo aadaya xilli Midowga Yurub laga codsanayo talaabooyin ka dhan ah taageerada Ankara ee Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM