Kulanka golaha xukuumada Puntland oo qabsoomin muddo bil ah

Image

Khamiis Sept 10, 2015 (GO)- Shirka golaha wasiirada Puntland ayaa Khamiista Shanaad baaqdey kasoo madaxweynaha dowalada Puntland iyo ku-xigeenkisa midna uusan ku qaban magaalada madaxda Garowe iyo Galkacayo halkasoo labada mas'uul ku kala sugan yihiin.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in madaxweyne ku-xigeenka Puntland xaawiley dhowr jeer in shirkaas qabsoomi balse uu buuxsami waayey kooramkii loogu talagaley.

Maanta oo Khamaiis ah ayaa madaxweyne ku-xigeenka Puntland markale ku guuldareystey in golaha wasiirada isku keeno isagoo aad uga xumaadey kadib markii khamiista Shanaad koramkii buuxsami waayey.

Wasiir ku-xigeen diidey magaciisa oo la hadley warsidaha Garowe Online ayaa sheegey in madaxweynaha Puntland uusan ku amrin wasiiradiisa in kulankooda Khamiis lahaa la qabto si looga hadlo howlaha kale ee dalka ka jira.

"Madaxweynaha Puntland ma jecla in golohu kulmo xiliga uu ka maqan yahay magaalo madaxda sababtoo ah waa marka kaliya oo wasiiradu kaga hadlaan arrimaha xasaasiga ah ee dalka ka jira" sidaas waxaa Garowe Online u sheegey wasiir ku-xigeen ka tirsan xukuumada Gaas oo diidey in magaciisa xusno.

Dhinaca kale sarkaal ka tirsan xukuumada oo diidey magaciisa ayaa Garowe online u sheegey in sababta shirkaan u qabsoomi waayey ka markhaati kaceyso  in xukuumada madaxweyne Gaas dan weyn ka laheyn shaqooyinka kale ee dalka ka tagaan kuwasoo isugu jira amni iyo kuwo kale.

Waa markii ugu horeysay tariikhda Puntland ee madaxweyne iyo ku-xigeenkiisa oo ku sugan dalka gudihiisa uusan qabsoomin shirka golaha xukuumada kasoo lagaga hadlo asbuuc walba howlaha dalka horyaala.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM