Kulanka Kismayo oo laga cabsi qabo inuu dib u dhac ku yimaado

Image

Jan1, 2016 (GO)- Warsidaha Garowe Online oo la hadley xogaagal ka warqaba shirarka Somalia  ayaa ogaadey iney suurtagal tahay inuu dib u dhaco kulanka la filayo in dhinacyada Somalida isugu yimaadaan magaalada Kismayo Jan 10,2016.

Sababta dib u dhacaan keeneysa ayaa la rumeysan yahay iney tahay, madaxweynaha maamulka Konnfur Glbeed inuu qaadaco imaanshaha magaalada Kismayo sababo la xiriira maamulka dhowaan laga dhawaaqey sadex degmo oo ka tirsan gobolka Bakool.

Maamulkaan oo loogu magacdarey Bakool Sare ayaa waxaa sida rumeysan yahay waxaa aqoonsadey maamulada Jubaland iyo dowlada Puntland taasoo salka ka haysa nidaamka qabaliga ah ee ka jira dalka Somalia.

Dhinaca kale madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa waxaa kaga socda gobolka Shabeelaha Hoose diidmo kasoo yeeraysa dadka degaankaaas daga kuwasoo ka cabanaya la tashi la'aan maamulkiisa ah

Dhinaca kale qodoka kale dib u dhacaan waxaa keeni kara in ergeyga qaramada midoobey u qaabislan arrimaha Somalia ee cusub qorsheynayo in shirka Kismayo ka hor uu safaro ku baxsho qaybaha kala duwan Somalia.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ra'isla wasaaraha Somalia ku wehelin doona safarkaan ergeyga cusub ee qaramada midoobey kuwaasoo ururin doona fikirka dhinacyada Somalida ka qabaan qaabka lagu soo xulo doono Barlamanka 2016.

Kulanka magaalada Muqdishu lagu qabtey sanadkii lasoo dhaafey dabayaaqadiisa ayaa madaxda maamulada Somalia iyo dowlada Federaalka ku gaarin go'aan rasmiya ee la xiriira qaabka lagu soo xulayo Barlamanka Federaalka 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM