Ku-xigeenka gudoomiyaha Barlamanka oo gaarey Galkacyo [Dhagayso]

Image
Image
Image

09 September, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Galkacyo gaarey gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamanka Somalia Mahad Cabdalla Cawad.

Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo Barlamanka ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Galkacyo, waxaana loo gudbiyay hoyga madaxweynaha Puntland ka daganyahay magaladaasi.

Hadal kooban uu siiyay warbaahinta ayuu ku sheegay in safarkiisu ku qotomo arrimo isag u gaar ah iyo ballan qaad uu sameyay xilli uu joogay Puntland kaasi oo ahaa inuu ku imaan doono safar khaas u ah, waxaana uu ka mahad celiyay soo dhaweynta loo sameeyay.

Ma aha safarkii ugu horeysay ee Mahad Cabdalla Cawad ku yimaado Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM