Ku-xigeenka gudoomiyaha Barlamanka oo gaarey Galkacyo [Dhagayso]

Image
Image
Image

09 September, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Galkacyo gaarey gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamanka Somalia Mahad Cabdalla Cawad.

Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo Barlamanka ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Galkacyo, waxaana loo gudbiyay hoyga madaxweynaha Puntland ka daganyahay magaladaasi.

Hadal kooban uu siiyay warbaahinta ayuu ku sheegay in safarkiisu ku qotomo arrimo isag u gaar ah iyo ballan qaad uu sameyay xilli uu joogay Puntland kaasi oo ahaa inuu ku imaan doono safar khaas u ah, waxaana uu ka mahad celiyay soo dhaweynta loo sameeyay.

Ma aha safarkii ugu horeysay ee Mahad Cabdalla Cawad ku yimaado Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM