​Laanta socdalka Puntland oo xarun dhisanaysa magalada Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdilaahi Xaaji Cumar (Camay), ayaa dhagax dhigay xarun cusub oo loo dhisayo laanta socdaalka Puntland.

Dhaqaalaha ku baxaya dhimahan ayaa waxaa ku deeqday dowladda Norwey iyadoo soo mariysay Hay’adda IOM, waxaana laga dhisayaa dhabarka dambe xarunta wasaradda Caafimaadka Puntland oo aan sidaasi uga sii fogeyn madaxtooyadda.

Munaasabadda lagu dhagax dhigayay dhismahan, ayaa waxaa ka soo qayb galay mas'uuliyiin kasocotay hay'adda IOM iyo wasaaradda Amniga Puntlan doo laanta socdaalka la hoos geeyay.

Wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guud ee wasaradda Amniga  iyo DDR-ta Puntland, oo ka hadlayay dhagax dhigga,ayaa sheegay in dhismaha xaruntan ahmiyad gaar ah u lee dahay, iyagoo u mahad celiyay dowladda ka taageeraysay dhinaca dhaqaalaha.

Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya Gerard Waite, ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay dhismaha xarunta laanta socdaalka Puntland, isagoo xusay inay qayb ka qaadanayso qaabkii loo heli lahaa dhisme loogu shaqeeya si hufan.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi, ayaa sheegay in xarunta la dhisayo qalabeyn doonto, isagoo shirkadda dhisaysa ugu baaqay inay inay dhismahaasi si wanaagsan oo qurux badan loo dhiso.

Dhismahan ayaa yimi xilli laanta Socdaalka iyo jinsiyadaha Puntland la hoos geeyay wasaaradda Amniga iyo DDR-ta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM