Labaatan qof oo ku dhintay dagaalkii ka dhacay Saaxdheer

Image

Garowe,Puntland August.28 [GAROWEONLINE]- Ugu yaraan labaatan qof  ayaa ku dhintay dad ka badana sodan qofna way ku dhaawacmeen ka dib dagaal saaka Saaxdheer ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa mamulka Khaatumo.

Warsidaha GO wararku uu caawa ka helayo Saaxdheer ayaa tibaaxaya xaaladu inay deggan tahay walow dadka dagaalkaasi ku dhintayna lagu sheegay inay yihiin dhinacyadii dagaalamay.

Madaxda ugu saraysa Puntland wax hadal ha kama soo saarin xaalada Saaxdheer oo wali kacsan iyadoona masuuliyiinta Khaatumo u carareen dhanka Itoobiya.

Shirka gollaha wasiiradda Puntland oo dhagta loo taagayay maantadii hore ayaa looga hadlay socdaalkii madaxwayne Gaas ee Itoobiya iyo arrimaha amaanka Puntland.

Daahir Maxamed Maxamuud oo sheegtay inuu ka mid ahaa dadkii wax ka qaban qaabinayay xaflada caleemo saarka madaxda Khaatumo ayaa sheegay weerarka Saaxdheer lagu soo qaaday inay iska kaashadeen Puntland iyo Somaliland.

Madaxwaynaha Khaatumo Cali Khaliif Galayr oo ilaa iyo hada aan la hayn meel uu ku sugan yahay wali kama soo hadlin weerarka Somaliland kusoo qaaday Saaxdheer.

Taliyaha ciidanka Somaliland Shaqale oo warbaahita la hadlay ayaa sheegay sababta ay weerarka usoo qaadeen inay tahay  hub laga soo dhiibay Muqdisho iyo Kismaayo oo lasoo gaarsiiyay Buuhoodle.

Saaxdheer ayaa magalada Laascaanood u jirta 74-km halka magalada Garowe lagu sheegay inay u jirto 200-km.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM