Labo qarax oo caawa Bosaso ka dhacay

Image

May 4, 2015 (GO)- Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay labo qof oo kalena way ku dhaawacmeen labo qarax oo caawa ka dhacay isgoyska Afar-irdoodka ee xaafada New Bosaso.

Qaraxyada ayaa ka dhashay labo bam oo lagu tuuray ciidamo ka tirsan booliska oo habeenkii halkaas ka sameysta bar-kantarool oo lagu baaro gaadiidka.

Qofka geeriyoodey iyo labada dhaawaca ah ayaa dhammaantood ahaa rayid.

Waa markii saddexaad muddo saddex bilood gudahood ah ee halkaas weerar lagu soo qaado.

Mas'uuliyadda qaraxayada caawa dhacay ilaa iyo hadda cidna ma sheegan, haseyeeshee Al-shabaab ayaa horay u sheegatey weerraro badan oo sanadkan Bosaso ka dhacay.

Ammaanka magaalada Bosaso ayaa soo xumaanayey todobaadyadii u dambeeyey, waxaana xalay isla degmada Bosaso lagu diley sarkaal ka tirsanaa laamaha ammaanka.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GARWOE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM