Lacag faalso ah oo lagu gubay magalada Garowe

Image

13 January, 2016(GO)-Waxaa maanta magalada Garowe gaar ahaan xarunta bangiga Puntland lagu gubay lacag faalso ah taasoo dhawaan maxkamadda darajada Koowad xukun dul dhigtay iyada iyo darwalka gaari lacagtaasi saarnayd.

Lacagta oo cadadkeeda lagu sheegay 55,400,000 Shilling Somalia ayaa dab lagu qabadsiiyay madal ay joogeen Gudoomiyaha Bangiga Puntland Cabdi Ismaciil Boos iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamud Xasan Aw-Cismaan.

Hadal kooban ayaa mas'uuliyiinta bangiga iyo xeer ilaalintu u jeediyeen warbaahinta iyagoo shacabka ugu baaqay inay ka digtoonaadan lacagtan oo la sheegay in lagu farsameeyay Koonfurta Somalia.

Gudoomiyaha Bangiga Mudane Boos, ayaa tilmaamay inaysan lacagta la cayn ahayn tan caadiga ah ee shilling Somaliga, wuxuuna ka digay khatar laga dhaxli karo hadii aan lala socod siin laamaha amniga, Garsoorka iyo Bangiga.

Arrintan ayaa timi kadib markii suuqyada Puntland kufiday lacag lagu daabacay magalada Bosaso, manan jirto sumad lagu kala soocayo labada lacagood oo midi Puntland u aqoosantahay faalso, marka laga reebo midabka sida ay ku doodayaan mas'uuliyiinta dowladda.

Darawalka lacagtan waday oo ka keenay magalada Galkacyo, ayaa ku dooday intaan la xukumin kahor inuusan kala aqoon lacagta Bosaso lagu daabacay iyo tan faalsada lagu sheegayo ee katimi Koonfurta Somalia.

Lacagahan ayaa khatar galin kara suuqyada Puntland, taasoo keeni karta sicir barar iyo samaynta lacago kale oo been abuur ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM