Lacagta ku baxeysa dib-u-dhiska wadada isku xirta Garowe-Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday in ay maalgelineyso mashruuca dib u dhiska wadada isku xirta Boosaaso-Garoowe.

Madaxtooyadda dowladda Puntland ayaa Arbacada maanta ah waxay ku dhawaaqday in howsha dayactirka ay bilaabaneyso bisha soo aadan ee October.

Xafiiska madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaciyey in xukuumadda Abu Dubai ay mashruucaas ku bixin doonto aduun lacageed dhan 2-milyan oo Doollar.

"…Dowladda China ayaa iyana ka qeyb qaadanaysa howsha dib u dhiska," ayuu yiri sarkaal sarre oo ka tirsan Madaxtooyadda oo u waramay Garowe Online.

Talaadadii, 24-ka September 2019-ka, ayay ahayd markii Imaaraadka la wareegay howlaha balaarinta garoonka diyaaraddaha magaala xeebeedka Boosaaso.

Mashruucaasi oo aanan la shaacin lacagta ku baxeysa iyo goorta la bilaabayo ayaa waxaa uu qeyb ka yahay barnaamijyadda horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Imaaraadka ayaa haatan wuxuu maamulaa dekadda ku taala xarunta ganacsiga Puntland, taasi oo kamid ah kuwa ugu shaqooyinka fiican Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM