​Liiska golaha deegaanka Galkacyo oo lagu dhawaaqay [Dhagayso+Akhriso]

Image

GALKACYO, Puntland- Guddiga loo xilsaaray dhimaha golaha deegaanka degmada Galkacyo ayaa caawa ku dhawaaqay liiska Xildhibaanada golahaasi oo ka kooban 31 mudane iyadoo degmada xaq u leedahay 27 Xildhibaan maadama ay kamid tahay magaalooyinka loo yaqaano A.

Madaxweyne Gaas ayaa la sheegay inuu ku siyaadiyay afartaasi xubnood la sheegay inay yihiin haween kadib wareegto maanta 14 July, 2016 kasoo baxday xafiiskiisa.

Afhayeen madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan jecel ayaa warbaahinta u akhriyay wareegtada iyo liiska xubnaha cusub ee golaha deegaanka Galkacyo. 

Golaha degaanka Degmada Galkacayo oo ka tirsana darajada A xubnihhisana ahaayeen 27 xubnood ayaa Madaxweyne Gaas 4 xubnood ku darey taasoo jabineysa xeerka dowladaha Hoose ee Puntland.

Kororsiimada xubnaha golayaasha degaanka Puntland ayaa ka abuurtey buuq beelaha dhexdooda kadib markii qabaa'ilka aan kordhinaan saameyn diidan ka qayb halka doorashadaas.

Xubnaha xilkaan u sharraxan ayaa warsidaha Garowe Online waxaa soo gaaraya iney yihiin Afar xubnood; gudoomiyaha KMG ah Maxamud Yasiin Axmad Tumey, Yaasin Maxamud Jamac ( Yabarag), Deeq Maxamud Xaashi ( Deeq Madow), Osman Salaad Fagaase.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan kala diray golihii deegaanka degmada Galkacyo kadib waxqabad la'aan iyo cabashooyin kayimi hogaankii ay doorteen Xildhibaanada, waxaana magaalada Galkacyo muddooyinkii dambe kasocday qorshe xukuumaddu ku doonayso inay isbadal ku samayso xaladda ammaan iyo midda maamul ee ka jirta gobolka Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM