Lix askari oo ka tirsanaa ciidamada Puntland oo shil ku geeriyoodey

Image

June 21, 2015 (GO)- Ugu yaraan lix askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku geeriyoodey sagaal iyo toban kalena way ku dhaawacantey shil gaari oo goor hore oo saaka ah ka dhacay agagaarka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Gaariga shilka galay oo noociisu ahaa Dhafoor-qiiqle islamarkaana uu ku rakibnaa qori noociisu yahay lidka diyaaradaha, wuxuu kusoo wajahnaa dhanka magaalada Garowe.

Lix iyo toban kamid ah askarta ayaa xaaladoodu culus tahay, waxayna qaarkood dhaawac ka qabaan madaxa iyo dhabarka.

Saraakiisha amnigu weli arrintan kama hadlin, waxaana isbitaalka Garowe isku hareereeyey ciidamo badan oo si weyn u sugaya amniga.

Askarta gaarigu la dhacay oo ka tirsan kuwa madaxtooyada waxaa lagu soo tababaray deegaanka Bixin ee gobolka Mudug, dhowaan ayeyna ku biireen ciidamada difaaca ee ku sugan jiidda hor eee Tukaraq.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM