Lix askari oo ka tirsanaa ciidamada Puntland oo shil ku geeriyoodey

Image

June 21, 2015 (GO)- Ugu yaraan lix askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku geeriyoodey sagaal iyo toban kalena way ku dhaawacantey shil gaari oo goor hore oo saaka ah ka dhacay agagaarka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Gaariga shilka galay oo noociisu ahaa Dhafoor-qiiqle islamarkaana uu ku rakibnaa qori noociisu yahay lidka diyaaradaha, wuxuu kusoo wajahnaa dhanka magaalada Garowe.

Lix iyo toban kamid ah askarta ayaa xaaladoodu culus tahay, waxayna qaarkood dhaawac ka qabaan madaxa iyo dhabarka.

Saraakiisha amnigu weli arrintan kama hadlin, waxaana isbitaalka Garowe isku hareereeyey ciidamo badan oo si weyn u sugaya amniga.

Askarta gaarigu la dhacay oo ka tirsan kuwa madaxtooyada waxaa lagu soo tababaray deegaanka Bixin ee gobolka Mudug, dhowaan ayeyna ku biireen ciidamada difaaca ee ku sugan jiidda hor eee Tukaraq.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM