Maalinta cudurka AIDS-ka oo Garowe laga xusay

Image
Image
Image

December 1, 2014 (GO)- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa caasimadda Puntland ee garowe waxa uu maanta uga qayb galay munaasabad ballaaran oo lagu xusayo maalinta AIDS-ka dunida.

Camey oo munaasabada ka hadlay ayaa soo dhoweeyey xuska maalinta AIDS-ka isagoo mahad ballaaran u jeediyey  hay’adda PAC ee Puntland u qaabilsan la socoshada heerarka u marayo cudurkaasi  iyo weliba xakameyntiisa. 

Wuxuu ku dhiiri geliyey maamulka iyo shaqaalaha hay'adda inay sii dardar geliyaan shaqada culus ee ay u hayaan dadka iyo dowladda Putland gaar ahaan daryeelka ay u hayso bulshada Puntland siiba dadka cudurkaasi la nool.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay bulshada in faquuqa iyo takoorka laga daayo dadka cudurka  la nool wuxuuna ku dhiiri geliyey bulshada inay u diyaar garowdo markasta la noolaasnshaha dadka cudurkaas qaba.

December 1, ayaa ah maalinta caalamiga ah ee Qaramada Midoobay u asteysey in la xuso halista AIDS-ka, sidii dunida looga dabargoyn lahaa cudurkaas iyo weliba sidii loo taageeri malaayiinka qof ee cudurkaas la nool kuna kala firiqsan dunida dacaladeeda.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM