Maalinta dhallaanka dunida oo Garoowe laga xusay

Image
Image
Image

November 20, 2014 (GO)- Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Bulshada Puntland ayaa maanta qabatay munaasabad lagu xusayey maalinta carruurta dunida oo ku beegan 20-ka bisha November.

Munaasabadda oo ahayd mid si weyn loosoo qaban qaabiyey waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, xubno metelayey qaybaha bulshada, hay'addaha ay wasaaradda wada shaqeeyaan iyo tobannaan carruur ah oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Garowe.

Wasiirada Haweenka Aniso Xaaji Muumin oo furtay xafladda ayaa sheegtay in ujeedada laga leeyahay ahayn keliya in la muujiyo qiimaha carruurta haseyeeshee lasoo bandhigi doono dhibaatooyinka carruurta yaryar soo wajaha.

Marwo Aniso ayaa ka sheekeysey dhibaatooyinka soo wajaha caruurta marxaladaha kala duwan ee noloshooda iyadoo xustay in daraasad cusub oo la sameeyey lagu ogaadey in 153 Milyan oo carruur ah xuquuqdooda lagu tunto.

Wasiiraddu waxay dhanka kale tilmaantay inay shaqeeyaan carruur tiro badan oo ku nool Puntland arintaasina tahay mid liddi ku ah xuquuqda caruurta haseyeeshee wasaaradu dadaal badan u geli doonto sidii loosoo afjari lahaa.

Ugu danbayntii waxay Caruurta Puntland ugu baaqday wasiiradu inay noqdaan kuwo si fiican u barta diinta iyo qaybaha kala duwan ee culuumta maadiga, ayna iska ilaaliyaan dhaqamada xun xun dhulkoodana jeclaadaan.

Munaasabadda xuska maalinta dhallaanka dunida ayaa dhamaan gobolada Puntland wasaaradu ku qabatay maanta, iyadoona si wayn ka qayb galayaashii kulamadaasi uga doodeen dhibaatooyinka soo wajaha Carruurta Puntland iyo sidii looga gudbi lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Baareysa Duqeyn Diyaaradeed oo Lagu Dilay Oday Dhaqameed Gobolka Sanaag

Qoyska marxuumka ayaa si adag u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku eedeynayay in odaygu xiriir la lahaa kooxda Al-Shabaab.

  • Puntland

    15-09-2025

  • 07:02AM

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM