Maalinta haweenka dunida oo Puntland laga xusey
March 8, 2015 (GO)- Xaflado lagu maamuusayo March 8 oo ah maalinta caalamiga ah ee haweenka ayaa ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Puntland.
Xaflad lagu qabtey hoolka shirarka Jaamacadda PSU ee Garowe oo lagu maamuusayey maalintan, waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin dowladda ka tirsan oo Madaxweyne Gaas kamid yahay, xubno metelayey hay'adaha dhanka arrimaha haweenka dowladda kala shaqeeya iyo weliba qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha ururada haweenka ee Puntland.
Arimihii ugu mihiimsanaa ee munaasabaddaas lagu soo hadal qaadey waxaa kamid ah sidii loo yareyn lahaa tacadiyada haweenku la kulmaan, loo kobcin lahaa aqoonta dumarka loona dhiirri gelin lahaa ka qayb galka dumarka ee dhanka siyaasadda iyo go'aan qaadashada arrimaha masiiriga ah.
Wasiirka Haweenka Puntland Aniso Cabdulqaadir Muumin oo khudbad ka jeedisey goobta ayaa sheegtay in wasaaraddu ku hawlan tahay diyaarinta xeerka sinnaanta lamaanaha, xeerkaasoo sida ay tilmaantey dhowaan goleyaasha wasiirrada iyo barlamanka loo gudbin doono.
Madaxweyne Gaas oo isna si kooban u hadlayey ayaa hambalyo u direy haweenka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladda uu hoggaamiyo ay ka go'an tahay horumarinta dumarka maadaama ay udub dhexaad u yihiin bulshada.
Magaalooyinka kale ee xafladaha maalintan la xiriira lagu qabtey waxaa kamid ah Bosaso, Galkacao, Qardho iyo Badhan.
March 8 ayaa ah maalinta caalamiga ah ee Qarmada Midoobey u asteysey haweenka dunida. Ujeedada laga leeyahay ayaa ah in la muujiyo doorka haweenku kaga jiraan bulshada iyo weliba dhibaatooyinka dhanka nolosha kasoo wajaha.
GAROWE ONLINE