Maalinta saxaafada Somalia oo Bosaso laga xusay

Image
Image
Image
Image
Image

January 21, 2015 (GO)- Munaasabad lagu xusayey maalinta warbaahinta Soomaaliya ayaa lagu qabtay hoolka shirarka Hotel Jubba ee magaalada Bosaso.

Munaasabada oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimey waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin ka tirsan golaha wasiirada Puntland, maamulka gobolka Bari, maamulka degmada Boosaaso, taliska booliska Bari, xubno metelayey qaybaha kala duwan ee bulshada  iyo tobanaan kamid ah wariyeyaasha ka hawlgala gobolka Bari.

Ugu horeyn waxaa madasha ka hadlay Agaasimaha Radio SBC Maxamed Deeq Cabdallah islamarkaana ahaa gudoomiyaha gudigii xafladan soo qaban qaabiyey. Deeq ayaa sheegay in ujeedada xaflada loo qabtay tahay sidii bulshada loogu soo bandhigi waxqabadka warbaahinta iyo cabashooyinka ay qabto islamarkaana bulshada dhankeeda usoo gudbin lahayd dhaliilaha iyo talooyinka loo jeedinayo bahda warbaahinta.

Guddoomiye ku-xigeenka ururka saxafiyiinta Puntland (MAP) Maxamed Maxamuud Welcome oo intaas kadib hadalka qaatey ayaa sheegay in saxafiyiinta Puntland sanadkan horumar badan ka sameeyeen dhanka midnimada iyo sidii ay hal fikir oo mideysan u yeelan lahaayeen.

Cumar Dheere oo ka tirsan hoggaanka MAP iyo Wariye Faysal Boston ayaa intaas kadib soo jeediyey warbixino ka hadlaya tacadiyada ka dhanka ah wariyeyaasha ee sanadkii lasoo dhaafay ka dhacay dalka Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka.

Mas'uuliyiin ay kamid ahaayeen Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Guddoomiyaha Gobolka Bari, Duqa Bosaso, Taliyaha Booliska Bari ayaa iyaguna goobta ka hadlay. Dhammaan mas'uuliyiintaas ayaa bogaadiyey shaqada bahda warbaahinta iyagoo ku booriyey inay aqoontooda kobciyaan dhex dhexaadnimo iyo hufnaanna ku shaqeeyaan.

Ugu dambeyntii shirkadaha Golis iyo Somtel ayaa hadiyado kala duwan guddoonsiiyey wariyeyaashii  kulanka kasoo qayb galay. Hadiyadaha la bixiyey waxaa kamid ahaa: Computer kuwa gacanta ah iyo moobeel casri ah.

Maanta oo ay bisha January 21 tahay, waxay ku beegan tahay sanad-guuradii 42aad ee kasoo wareegtey markii la daabacay wargeyskii ugu horreeyey ee kusoo baxa afka Soomaaliga.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM