Maamul cusub oo loo dhisay degmada Jarriiban [DHEGEYSO]

Image

July 11, 2014 (GO)- Guddoomiyaha Cusub ee degmada Jariiban Maxamed Yuusuf Shire oo la hadlayay Radio Garowe ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono khilaafka soo noq noqdey ee ka dhasha maamulka degmada.

KHilaaf kasta oo yimaada wuxuu sheegay in lagu dhamayn doono wada-tashi ballaran oo dhamaman qaybaha bulshadu ka qayb geli doonaan.

Dhanka kale, Maxamed Yuusuf ayaa xusay in waxa ugu horreeya ee uu qabanayo yahay isku-xirka bulshada iyo xoojinta nabadgalyada.

Ugu dambeyntii wuxuu tilmaamay in dhowaan cashuur ururin laga bilaabi doono 53 tuulo oo degmada hoos yimaada si loo hir geliyo adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha.

Maxamed Yuusuf Shire ayaa kusoo baxay cod aqlabiyad leh kadib doorasho labo maalmood kahor ka dhacday degmada Jariiban.

Madaxweynaha Punltand Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ayaa muddadii sanad iyo barka ahayd ee uu xilka hayey wuxuu kala direy goleyaal deegaan oo toban kor u dhaafaya.

Magaalooyinka maamulladii horey uga jirey lakala direy waxaa kamid ah: Garowe, Bosaso, Galkacayo, Jariiban, Isku-shuban, Qandala, Dhahar iyo Baargaal.

Waxaa xusid mudan in badi guddoomiyeyaasha cusub ee degmooyinku yihiin kuwo xulafo dhow la ah Madaxweyne Gaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM