Maamul KMG ah oo loo magacaabay Tv-ga iyo Raadiyaha dowlada Puntland
BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha Puntland ayaa wuxuu xil-ka-qaadis ku sameeyay agaasimaha guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha dowladda, wuxuuna u magacaabay maamul ku meel gaar ah.
Sidda ku xusan wareegto kasoo baxday xafiiska Saciid Cabdullaahi Deni, Daahir Cabduqaadir Axmed ayaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay jagada laga xayuubiyey Jamaal Carab Yuusuf.
Hoos ka akhriso digreetada
Boosaaso: February 6, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne oo sumaddiisu tahay (Lr.14) kuna taariikhaysan (February 5, 2020) wuxuu xilka kaga qaaday Agaasimaha Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Jamaal Carab Yuusuf laga qaaday xilka Agaasimaha Guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.
2. Waxaa Daahir Cabduqaadir Axmed si ku meel gaar ah loogu magacaabay Agaasimaha Guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.
3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
Siciid Cabdullaahi Deni
Madaxweynaha Dawladda Puntland
Xafiiska Warfaafinta ee Madaxtooyada Dowladda Puntland
GAROWE ONLINE