Maamul kumeel gaar ah loo soo magacaabay Godob-Jiiraan

Image

May 21, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maamul kumeel gaar ah usoo magacaabay degmada Godob-Jiraab ee gobolka Nugaal.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha oo ku taariikheysan May 20, 2015 lambarkeeduna yahay Lr. 49 ayaa lagu sheegay in Yuusuf Maxamed Faarax loosoo magacaabay guddoomiyaha degmada, halka ku-xigeenkiisa loo magacaabay Siciid Faarax Cadde.

Wareegtada waxaa sidoo kale ku xusan in magacaabistan lagu saleeyey talo soo jeedin ka timid Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo qiimeyn lagu sameeyey kartida iyo aqoonta labadaas mas'uul.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM