​Maamul loo dhisay Bandar-bayla Kar-kaar

Image

Doorasho ka dhacayday degmada Bandar-bayla gobolka Kar-kaar ayaa lagu doortay gudoomiyihii hore Siciid Aadan Cabdi Antena isagoo helay 15, halka ku xigeenkiisa oo lagu magacaabo Bille Nuur Faarax uu helay 17 cod. 

Xafladdan lagu dhisayay maamulka degmadaasi, waxaa ka qayb galay xubno kasocda wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, wasaaradda Qorshaynta iyo maamulka gobolkaas. 

Waxayna doorashada ka dib khudbado ay jeediyeen kula dardaarmeen hogaamiya degmada xeebta dhacda inay ka shaqeeyaan hormarka waddan gaar ahaan Bandar-bayla.

Doorashadan ayaa timi kadib markii dhawaan is-casileen gudoomiyaashii degmooyinka Buran iyo Saaxo, waxaana Botan Axmed Botan oo ahaa duqii degmada Buran ee Sanaag uu xilka uga tagay arrimo kamid tahay xuquq la'aan isagoo dowladda hada xilka haysa ku dhaliilay dhaqaalo xumo. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM