Maamul loo sameeyay degmada Eyl gobolka Nugal

Image

EYL-Doorasho maanta ka dhacday magalada tariikhiga ah ee Eyl ayaa lagu doortay gudoomiye iyo ku-xigeen kadib markii shalay galinkii dambe lasoo saaray liiska golaha deegaanka oo ka koobnaa 21 xubnood.

Duqa degmada Eyl ayaa markale loo doortay Muse Cisman Yusuf, halka ku xigeekiisa laga dhigay  Faysal Khaliif Wacays, mana jirin cid la tar-tantay, waxaana xusid mudan in labadaasi mas'uulba horay usoo ahaayeen hogaamiyaasha degmada.

Munaasabadda doorashada gudoomiyaha iyo ku-xigeenka golaha degaanka degmada Eyl gobolka Nugal ayaa waxaa lagu qabtay isla magaaladaas, waxaana kasoo qayb galay mas'uuliyiin kasocota wasaaradda Arrimaha Gudaha, maamulka gobolka iyo shacabka ku dhaqan magala xeebeedka taariikhiga ah.

Doorasho kadib ayaa labada hogaamiye lagu dhaariyay goobta lagu doortay, waxayna xafladda ka sheegeen inay ku faraxsanyihiin xilka loo dhiibay iyagoo u mahadceliyay golaha ku aaminay codadkooda.

Sannadkii hore ayay ahayd markii lakala diray golihii deegaanka degmada Eyl, waxaa muddooyinkii dambe socday soo xulista Xildhibaanada iyadoo ay jireen shakhsiyaad xubnaha lagu soo daray, balse ku haray shuruudihii lagu kala saarayay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM