Maamulaha Iskuulka Al-Najax Bosaso oo xabsiga laga sii daayey
14 October,2015 (GO)- Waxaa maanta xabsiga laga sii daayey maamulaha dugsiga Al-Najax iyo tiro kamid ah ardeyda Iskuulkaas kadib markii wadahadal uu dhexmarey odayaasha magaalada Bosaaso iyo gudoomiyaha gobolka Bari.
Maamulka dugsiga Al-Njax ayaa xabsiga loo taxaabey kadib markii maalintii shaley 13 October, 2015 ciidamada Booliska Bosaso khasab ku soo xireen ardey dhiganeysay iskuulkaas kuwasoo lagu eedeynayey iney ka qayb qataan rabshado habeenkii magaalada ka dhaca.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Booliska markii ay tageen dugsiga Al-Najax maamulaha iskuulkaas uu weydiiyey sarkaalka watey ciidankaas magacyada ardeyda la raadinayo balse ka gabsadeen iyaga oo sheegey iney garanayaan oo kaliya wajiaydooda. Maamulaha Iskuulka Al-Najax ayaa sarkaalka ciidamada watey waydiiyey sida GO uu u sheegey qof goobtaas ku sugnaa iney fasax maxkamadeed oo ay Iskuulka ku galaan wataan.
Ciidamada Booliska ayaa iskuulkaas ku galey khasab kadib ka kaxeystey ardey ay ku tuhmayeen rabshadahaas kuwasoo adeegsadey rasaas nool markii buuq ka dhacey halkaas.
"Ciidamada ayaa ardeyda ku soocaneyey markii ay iskuulka gudaha u galeen sida timahooda u jaran yihiin iyo aragtidooda balse aan wadan tilmaano kale ama magacyo xoojinaya dadka qofka la raadinayo." sidaas waxaa GO u sheegey goob jooge ka gaabsadey in aan sheegno magaciisa.
Taliyaha qaybta Booliska gobolka Barri oo ka jawaabayey mudaharaadyo ay sameeyeen ardeyda iskuulka Al-Najax kadib markii xarig loo gaystey maamulahoodii iyo toro ardey ah ayaa hadaladdii uu ka sheegey saxaafada waxey aad uga careysiiyeen dhamaan waalidkii caruurta iskuulkas dhiganeysay iyo guud ahaan dadweynaha magaalada Bosaaso. Halkan ka dhageyso
Kulan dhexmarey odaaysha magaalada iyo gudoomiyaha gobolka Barri maanta 14 October,2015 ayaa waxaa eedeyn balaaran loogu soo jeediyey Taliyaha qaybta Booliska gobolka Barri qaabkii uu u wajahay soo qabashada ardeyda iyo hadalada aflagaadada u badnaa ee ka sheegey idaacadaha.
Warsidaha Garowe online ayaa fahansan sidoo kale in kadib markii habeenkii xaley ardeyda Iskuulka Al-Najax isu diyaariyeen iney qabtaan maanta mudaharaadyo kale kuwasoo kaga soo horjeedaan hadalkii taliyaha qaybta Booliska Cabdixakiim Xuseen Yusuf dadaalo iyo wadahadalo badan kadib odayaasha magaalada ku guuleysteen in la baajiyo isu-soo baxaas.
Dhinaca kale waxaa raali galin ka bixiyey hadalka taliyaha qaybta gobolka barri odyaasha iyo ganacsatada beesha uu taliyaha qaybta kasoo jeedo iyadoo warar sheegayaan iney saaka gaareen dugsiga Al-Najax halkaas-na raali galin ku siiyeen ardeyda Iskuulkaas.
Hadalka taliyaha qaybta Booliska gobolka Barri iyo howlgalkii ciidamada rasaasta u adegsadeen ardeyda Iskuulka Al-Najax ayaa sababey eedymo badan oo dadweynaha Puntland u soo jeedinayaan qaabkii uu wajahay howlgalkaan Korneyl Cabdixakiin Xuseen Yuusuf.
GAROWEONLINE