Maamulka Bayla oo ka hadley kaluumeysiga sharci darada [Dhageyso]

Image

31 Augusto, 2015(GO)-Gudoomiyaha degmada Bandar-bayla Siciid Aadan Cali ayaa sheegay inuusan wanagsanayn amniga degmadaasi oo u sababeeyay haraadiga Burcad Badeed halkaasi ku sugan oo wada khal-khal.

Siciid Anteena oo wareysi siinayay Radio Garowe ayaa sidoo kale xusay inay jiraan dhibaatooyin kale oo ay ka mid tahay Maraakiib shisheeyo oo degmada ka wada Jiriif, waxana uu carabka ku dhuftay inay gacan ula tagi doonaan maadama sida uu hadalka u dhigay uu gaabis uga yimi dhanka xukuumada oo horey qaylo dhaan usoo gudbiyeen.

Dhanka mashaariicda degmada laga fulinayo ayuu tilmaamey inay yartahay gaar ahaan mashruuca hormarinta degmooyinka Puntland ee JPLG oo uu sheegay in sanadkan Puntland oo dhan u ku yaraa.

Gudoomiyaha degmada Bandar-bayla Siciid Aadan Cali ayaa ka hadlay arimo kale oo ay ka midyihiin doorashada golaha deegaanka oo lagu wado in la qabto sanadka dambe horaantiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM