Maamulka degmada Eyl oo dhul ugu deeqay ciidanka PMPF

Image
Image

December 20, 2014 (GO)- Maamulka degmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa dhul bedkiisu yahay 300 oo mitir oo labo jibbaaran ugu deeqay ciidanka badda ee Puntland PMPF.

Taliyaha ciidamada badda Admiral Cabdirisaaq Diiriye Farax oo booqasho ku tegey Eyl ayaa lasoo wareegey dhulkan oo sida qorshuhu yahay laga dhisi doono saldhigga ugu weyn gobolka Nugaal.

Diiriye ayaa uga mahadceliyey maamulka iyo bulshada deegaanka qaabka fiican ee ay usoo dhoweeyeen iyo weliba dhulka ciidanka loogu deeqay.

Degmada Eyl waxaa horay ugu taaley xero yar oo fariisin u ah cutub ka tirsan ciidanka PMPF.

Ciidamada badda Puntland oo kamid ah kuwa ugu tayada fiican dhammaan ciidamada qalabka sida ee Puntland, waxaa sanadkii 2010 hirgelisey dowladii hore ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyadoo taageero ka heleysa beesha caalamka gaar ahaan dalka Imaaraadka Carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM