Maamulka gobolka Bari oo ka hadlay cabashada ganacsatada Bosaso

Image

05 January, 2016(GO)-Maamulka gobolka Bari ayaa maanta ka hadlay cabshada iyo shaqa joojinta ay sameeyeen ganacsatada magalada Bosaso kuwaasi oo ka biyo diiday canshuuro dheeraad ah oo lagu soo rogay.

Gudoomiyaha gobolka Bari Yusuf Maxamed Wacays Dhedo oo warbaahinta kula hadlay xarunta ganacsiga Puntland, ayaa sheegay inay laga hishiiyay arrinta ganacsatadu ka cowdeen, wuxuuna tilmaamay in 15 bishan u ballansanyihiin dhammaynta waxyaabaha la isku khilaafay.

Dhedo ayaa tilmaamay in ganacsigu sidii hore ku soo laabtay, howsha keentay kala aragti duwaantana tahay mid ku kooban shakhsiyaad gooni ah balse ay jiraan ganacsato badan oo arrinta dowladda ogolaatay.

Dhinaca kale mid kamid ah ganacsatada ka cowday canshuurta lagu kordhiyay oo magaciisa codsaday in la qariyo ayaa Radio Garowe u sheegay in canshuurta loo kordhiyay qaab ka bad-badis ah, taasina keentay inay qaadan waayaan, isagoo xusay inay saameysay shaqa joojintooda dadka ku nool magalada. Halkan ka dhagayso

Cabshada ganacsatada Bosaso waxaa ka horaysay mid ay sameeyeen qaar kamid ah kuwa ku nool magalada Garowe kadib markii qaabkan oo kale loo siyaadiyay canshuurta laga qaado.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM