Maamulka gobolka Kar-kaar oo xilka la wareegay

Image

11 Octobar, 2015(GO)-Gudoomiyaha dhawaan loo soo magacabay gobolka Kar-kaar Cabdulqaadir Ciise Carshe"Dhaqaaje" ayaa maanta xilka si rasmi ah ula wareegay ka dib munaasab lagu qabtay degmada Qardho.

Xafladda waxa joogay maamulkii hore, odoyaasha dhaqanka iyo bulshada qaybahooda kala duwan.

Gudoomiyihii hore ee gobolkaasi Cabdiquraan Maxamed Aadan oo soo dhaweyay maamulka cusub ayaa sheegay inuu la yimi waxqabad ballaaran intii uu xafiiska joogay, halka uu xusay qaybo ka mid ah shaqooyinkii loo igmaday oo duruufo jira awgood u qabsoomi waayay.

Dhanka kale, Gudoomiyaha cusub Cabdulqaadir Ciise Carshe"Dhaqaaje" ayaa sheegay inuu sameyn doono waxqabad kana soo bixi doono shaqada loo dhiibay.

Waxgarad ka hadlay xilwareejinta ayaa dhankooda soo dhaweeyay isbadalka gobolka ka dhacay, waxayna sheegeen inay la shaqayn doonaan maamulka cusub.

Xilwareejinta gobolka ayaa imaanaysa xilli dhawaan la doortay maamulka degmada Qardho.

GAROWEONOLINE 

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM