Maamulka gobolka Mudug oo baaq u diray bulshada

Image

January 3, 2015 (GO)- Maamulka gobolka Mudug ayaa ugu baaqay qaybaha kala duwan ee bulshada inay hay'adaha ammaanka si dhow ula shaqeeyaan, si looga hortago falalka nabadgelyada lidka ku ah gacantana  loogu soo dhigo qas-wadeyaasha.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur oo maanta shir-saxaafadeed ku qabtey Galkacayo ayaa sheegay in haddii la waayo taageerada bulshada adkaan doonto in ammaanka si buuxda loo sugo.

Dhanka kale guddoomiye ku-xigeenka oo la weydiiyey su'aal ahayd " maxaa ka jira in ciidamada ammaanku joojiyeen hawlgalladii roondada kadib markii mushaharaadka laga jaray" wuxuu qiray in ciidanku dhowr bilood mushahar qaadan balse taasi la micne ahayn in musharaadka laga jaray shaqadoodana si joogto ah usii wataan.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in xiriir fiicani kala dhexeeyo laamaha ammaanka ee Galmudug si dhowna uga wada shaqeeyaan qabqabashada iyo ka hortagga kooxaha geysta falalka ammaanka lidka ku ah.

Labadii asbuuc ee ugu dambeeyey waxaa magaalada Gaalkacayo ka dhacay saddex qarax oo lala beegsaday gaari uu watey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee gobolka Mudug Farxaan Cali Xirsi, Radio Galkacayo iyo bas ay la socdeen macallimiin Kenyan ah oo wax ka dhiga dugsiga Yameska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM