​Maamulka Nugal oo soo bandhigay waxqabadkooda 6 bilood

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Maamulka gobolka Nugal ayaa maanta soo bandhigay, waxqabadkiisa lixdii bilood ee la soo dhaafay islamarkaana waxaa lagu shaaciyay hadafyada iyo hormarada uu maamulku sameyn doono.

Munasaabad arrintaasi ku salaysan ayaa lagu qabtay xarunta cilmi baarista Puntland ee PDRC, waxaana kasoo qayb galay mas'uuliyiin katirsan xukuumadda, madaxweynaha maamulka Bakool Sare, qaar kamid ah gudoomiyaasha degmooyinka gobolka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Gudoomiyaha gobolka Nugal Cumar Cabdullahi Faraweyne, ayaa sheegay inay sii wadayaan dadaalkooda ku aadan hormarka iyo u shaqaynta bulshada, isagoo dhinaca kale tacsi u diray ehelka dhalintii ku geeriyootay badda u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga.

Duqa degmada Godob jiraa, mayor degmada Burtinle, xubno katirsan bulshada rayid ah iyo ganacsato ayaa soo dhaweeyay waxqabadka lasoo bandhigay, waxayna ugu baaqeen inay halkaasi kasii wadaan iyagoo maamulka ku ammaanay wadashaqayntii uu la  leeyahay.

Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi "Siciid-d|heere" oo ka hadlay munaasabadda lagu soo bandhigayay waxqabadka gobolka Nugal, wuxuuna xusay in arrintaasi ku farxayaan dhammaan cid kasta oo danaynaysa hormarka iyo wada-jirka.

"Xusuus gaar ah ayay noo tahay anaga ka ciidan ahaan, waayo waa nin sarkaal ah, waa nin fir fircoon, waxuuna mudanyahay in lagu daydo, balse waxaa jira gudoomiyaal kale oo iyaguna waxqabad fiican muujiyay...Waxaan hambalyo u dirayaan degmooyinka Garowe iyo godob-jiiraan oo runtii muujiyay dadaal mudadii dagaalka lagula jiray kooxda Shabaab," Ayuu yiri Siciid-dheere.

Wasiir ku-xigeennada wasaaraddaha Arrimaha Gudaha Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero ayaa ka marag kacay waxqabadka maamulka, wuxuse carrabka ku dhuftay arrinta abaaraha, isagoo ku baaqay in loo gurmado dadka tabaalaysan.

Gunaanadkii munaasabadan, ayaa shahaadooyin la gudoomiyay xubno mamulka gobolku u gartay inay muujiyeen xufnaan iyo shaqo wanaag, waxaana kamid ahayd Radio Garowe oo lagu bogaadiyay howlihii subaana ee uu gobolka ka qabtay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM