Gudoomiyaha gobolka Barri oo raali galin ka bixiyey dhacdadii Al-Najax

Image

15 Octobar, 2015(GO)-Maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Bosaso ayaa bixiyay raali galin ku saabsan rabshad dhexmartay booliiska gobolka, Ardayda iyo maamulka Al-Najax.

Gudoomiyaha gobolka iyo duqa degmada ayaa maanta booqday Iskuulka, waxaayna dusha u riteen lahaanshaha khaladkii lagula kacay maamulka iyo Ardayda, iyagoo dalbaday in laga wadashaqeeyo amniga.

Yuusuf Maxamad Waceys Dhedo Gudoomiyaha gobolka Bari oo ka hadlay Arday laga soo qabtay Iskuulada Bosaso qaybtood ayaa xusay in loo maray sifo sharci ah, balse Iskuulka Al-Najax taliyaha booliiska gobalka ula yimi liis aan saxnayn, taasina dhalisay rabshadda keentay in la xiro maamulaha Iskuulka iyo tiro Arday ah, xilli booliisku adeegsanayeen xabad nool.

Dhinaca kale duqa degmada Bosaso ayaa ammaanay Ardayda iyo maamulka Iskuulka, wuxuuna tilmaamay inay ka xunyihiin wixii dhacay isagoo raali galin siiyay waalidiinta dhalay Ardayda.

Maamulaha Iskuulka Al-Najax iyo tiro ka mid ah Ardayda Iskuulka ayaa shalay 14 Octobar, xoriyadoodii dib u helay ka dib dadaalo ay sameeyeen waxgaradka degmada iyo maamulka gobolka Bari.

Raali galinta maamulka ayaa imaanaysa xilli bulshada Bosaso ka xumaadeen qaabkii uu u dhaqmay taliyaha ciidanka booliiska gobolka Bari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM