Maamulka PLTV oo mushaharka u diidey saxafiyiin ka shaqeysay

Image

24 August, 2015 (GO)- Wararka aan ka helayno xarunta PLTV ee Garoowe ayaa sheegaya in buuq iyo khilaaf ka dhashay lacag mushahaaraad la bixin waayey uu ka jiro.

Khilaafkan ayaa salka ku haya kadib markii agaasime ku xigeenka PLTV oo ah sii haya xilka iyo wasiirka warfafinta Maxamuud Xasan Soocadde ku hishiiyeen inaan lacagta aan la siin ilaa toddobo qof oo shaqada ka tegay dhamaadkii July iyo horaantii bisha August.

Lacagtaan oo wasaaradda maaliyadda ee Puntland u bixisay mushahar baaqi ahaa bishii May ee sanadkan ayaa loo diidey shaqaale ka tagey xarunta iyo ciidamada ilaalo ahaa oo laga badaley xarunta PLTV.

Shaqalaha loo diidey mushaharka ayaa magacyadooda kala yihiin:

Cabdiqani Cabdulaahi Irbad        Tifaftirihii hore PLTV

Maxamed Khaalid Yuusuf          Madaxii shaqada iyo shaqaalaha

Mahad Xasan Gudaal                Madaxii Farsamada 

Cabdirisaaq Xasan Jubba            Madaxii Wararka

Sharmaake Maxamed Warsame  Madaxii qaybta Radio

Ibraahim Muse Dahraan Wadani   Wariye

Garowe Online oo qaar ka mid saxafiyiintaan u xaqiijiyeen warakaan ayaa sheegey inay arrintan ugu tegeen wasiirka warfafinta iyo agaasime ku xigeenka.

“Arrintan aad ayaan ula yaabnay waayo hore umaysan dhicin oo dad badan TV-ga ka tegi jiray qofka intaii uu mushahar leeyahay waa la yaqaanay marka la keeno waa la wici jiray oo soo doono ayaa la oran jiray" ”ayuu yiri mid ka mid xubnahan la hadlay warsidaha Garowe Online 

Saxafiyiintan oo PLTV ka soo shaqaynayey labadii sano ee uu jiray ayaa sheegay inay xaqooda doonayaan iygoo waraaq cabasho ah u gudbin doonaan ururka saxafiyiinta Puntland ee Map.

PLTV ayaa khilaafka ka taagan noqdey mid aan dhamaan weli kadib markii madaxweynaha Puntland shaqadii ka joojiyey agaasimihii xilka hayey dhowaan. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM