Maamulka Sarmaayo oo eedeyn u jeediyey hay'adda HADMA

Image

January,13, 2015 (GO)- Maamulka Degmadda Sarmaanyo ayaa cabasho ka muujiyay qaabka loo maamulay deeq hay'adda HADMA gaarsiisey deegaano ka tirsan gobolka Sool.

Gudoomiyaha Degmadda Sarmaanyo Cawil Cabdulaahi Nuur ayaa Radio Garowe usheegay in aan si siman loo qaybin raashin qayb ka ahaa deeqda kaasoo deegaanada qaar lasoo gaarsiiyey qaar kalena aan la keenin.

Ugu dambeyntii wuxuu baaq u diray dowladda gaar ahaan hay'adaha arintaasi khuseyso isagoo codsaday in hadda kadib wixii soo baxa si siman loogu qaybiyo bulshada.

Dhanka kale Agaasimaha hay'ada HADMA oo isaguna la hadlay Radio Garowe ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeynta kasoo yeertay maamulka degmada Sarmaanyo.

Agaasimuhu wuxuu intaas ku daray in deeqda la gaarsiiyey gobolka Sool ka koobnayd dhar iyo macuun balse deeq raashin ahi ku jirin loon qaybiyey si siman.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM