Maamulka Somalia Channel Somalia oo ka hadlay xariga Deparani

Image

23 November, 2015(GO)-Agaasimaha Somali Channel ayaa maanta ka hadlay xarriga sharci darada ah ee dowladda Puntland kula kacday Wariye Jaamac Yusuf Deparani oo ka howl gala TV-gaasi.

Axmed Maxamed Jamac (Suufi), oo ku sugan magalada Hargaysa xarunta Somaliland, ayaa Radio Garowe u sheegay inay ka xunyihii xarigga lagula kacay wariyahaasi oo wax dambi ah ka galin dowladda, wuxuuna xusay inay diyaar u yihiin ka garbixidda dowladda Puntland,

Suufi ayaa nasiib darro ku tilmaamay dowladda Puntland oo haatan jirta 17 sano inay caburiso saxaafadda, arrinta wasiirka warfaafinta Puntland ku dhaqaaqayna tahay sharci darro.

Wariye Jaamac Deparani oo Khamiistii la soo dhaafay lagu xiray magalada Garowe, ayaan weli la soo taagin maxkamad, wuxuuna xabsiga ku jiraa maalintii Shanaad, isagoo aan la soo taagin maxkamad.

Ururada Saxaafadda, wariyaasha, iyo dadka u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa ka hadlay xariggan, waxayna ku tilmaameen midaa aan waafaqsanayn shuruucda u dagan Puntland iyo tan xuquuqul Insaanka.

Arrintan, waxay keentay Idaacadaha ka hawl gala Garowe, inaysan baahin wararka dowladda,

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM