Maamulka Telefishinka PL oo loo wareejiyey Wasaaradda Warfaafinta

Image

March 18, 2015 (GO)- Telefishinka Dowladda Puntland oo horay agaasinkiisu madaxtooyada u hoos tegi jirey ayaa hadda kadib waxaa maamuli doonta Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha iyo Dhaqanka ee Puntland.

Wareegto kasoo baxdey xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu sheegay in telefishinka iyo idaacadda dowladda wixii hadda ka dambeeya maamulkooda loo wareejiyey Wasaaradda Warfaafinta.

Lama oga sababta xilligan kusoo beegtay in maamulka telefishinka lagu wareejiyo Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha iyo Dhaqanka ee Puntland.

Telefishinka iyo idaacadda Puntland oo dhaqaalaha ku baxay intiisa badan Dowladda Talyaanigu bixisey waxaa la furey April 2013.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM