Maamullada Puntland iyo Galmudug oo ka hadlay dagaalka Galkacyo

Image

28 November, 2015(GO)-Mas'uuliyiin ka tirsan maamullada Puntland iyo Galmudug, ayaa ka hadlay dagaal khasaaro kala duwan dhaliyay oo haatan ka socda magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmdug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay dagaalka ka socda magalada Galkacyo xilli uu waraysi siinayay Idaacadda VOA-da, waxaana uu tilmaamay inay ka xunyihiin dagaalkasi.

Waxa uu sheegay in weerar ku soo qaadeen maamulka Puntland, xilli Madaxweynaha Galmdug Cabdikariim Xusen Guleed iyo wafdi uu hogaaminayo qorshaynayeen inay tagaan magaaladaasi, si qayb u qaataan dadaalada lagu doonayo in xiisad lagu qaboojiyo.

Ku-xigeenka Madaxweynaha Galmdug oo ku sugan Cadaado, ayaa sidoo kale xusay inay magalada Galkacyo tagin ciidamo ka yimi dhinaca Cadaado, wuxuuna tilmaamay inay mar kasta diyaar u yihiin nabad kuwada noolaansho.

Waxa uu beeniyay inay ciidamo iyo hub ka socda Dowladda Federaalka Somalia taageero siinayaan maamulka Galmudug, isagoo sheegay inay dowladdu dhex-dhexaad ka tahay arrinta socota.

Dhinka kale Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland Maxamud Xasan Soocade oo isna la hadlay VOA, ayaa dagaalka ku eedeeyay maamulka Galmudug, isagoo sheegay inay ciidamada maamulkaasi duqeeyeen magalada, ciidamada Puntland-na qaadeen tallaabadii la gudboonayd oo ah inay difaacaan shacabka.

Wasiir Soocadde, wuxuu tilmaamay inay dagaalka guulo ka hoyiyeen isla markaana ka sifeeyeen meelihii ay soo weerareen.

Soocade ayaa Galmdug ku eedeeyay inay doonayaan dhul ballaarsi isla markaana ka soo horjeedaan dadaalada uu waday Ra'isal wasaare Sharmake.

Hadalada mas'uuliyiinta ka tirsan Puntland iyo Galmdug, ayaa ku soo beegmaya xilli magalada Galkacyo laga maqlayo dhawaqa rasaasta labada dhinac isweydaarsanayaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM