Madasha Heritage ee Garowe oo dib-u-dhac ku yimid

Image

GAROWE, Puntland – Madasha Dooda Machadka Daraasaadka Siyaasadda Heritage ee lagu wadday in Talaadada maanta ah ka furanto caasimadda dowladda Puntland ee Garowe ayaa u baatay hoolkii loo qorsheeyay oo qaadi waayey martida.

Cabdirashiid Xaashi, agaasimaha Heritage oo shir jaraa'id qabtay, ayaa sheegay in madasha ay maalinta Arbacada ka furmi doonto hoolka Jaamacadda PSU.

Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayuu ka dhawaajiyey in uu soo jeediyey in goobtaas lagu qabto madasha.

Sidda laga soo xigtay agaasime Xaashi, ka qeybgaleyaasha ayaa tiradoodu dhan tahay 500 kuwaasoo isugu jira madax, siyaasiyiin, marti sharaf iyo xubno kale oo wehliya musharaxiinta madaxtinimada ee doorashooyinka sanadka 2020-21.

"Waxaan rajeynaynaa in madaxda ay si gooni-gooni isku arkaan inta madashu socoto islana xaliyaan arrimaha taagtaagan. Sidoo kale, waxaan fileynaa in war-murtiyeedka kasoo bixi doona shirka ay ku cadaan doonto qaabka looga gudbi karo arrimaha taag-taagan," ayuu Xaashi ka sheegay shirka jaraa'id.

Madasha Dooda Heritage oo sanadle ah ayaa xagaagan waxaa diiradda lagu saarayaa qaabkii Soomaaliya uga bixi lahayd kumeelgaarknimada dhanka doorashooyinka iyo dastuurka qabyadda ah ee hadda leeyahay waddanka.

Kalkan waxay kusoo aadey madasha iyadda oo is-mari-waa uu ka taagan yahay coddeynta heer Qaran si gaar ah guddiyadda maamulaya oo musharaxiinta iyo maamulada qaar dalbadeen in ay ku yimaadaan hanaan la isla ogol-yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM