Madaxweynaha PL oo booqanaya fariisimaha ciidanka ee Galgala

Image

December 2, 2014 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu wadaa inuu booqasho ku tago saldhigyada ciidamada Daraawiishta iyo kuwa nabad-sugidda Puntland ku leeyihiin buuraleyda ku xeeran degmada Galgala.

Waa booqashadii labaad ee Cabdiweli Gaas tan iyo markii la doortay uu halkaas ku tago isagoo markii ugu horeysey booqday fariisimaha ciidamada ammaanka Puntland ee Sugurre March 25, 2014.

Booqashadan ayaa kusoo aadeysa xilli ciidamadu wax horumar ah sameyn laga soo bilaabo October 1, 2014 markaasoo ay la wareegeen saldhigyadii muhiimka ahaa ee kooxda Al-shabaab ku lahayd buraleyda ku xeeran tuulada Galgala.

Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa ku dhuumaaleysanaya dhulka fog ee koonfur-galbeed Galgala kaga beegan, dhulkaasoo ah buurley hawd ah oo ay adag tahay ciddii gasha in si fudud looga saaro.

Gaas ayaa mudada uu halkaas ku sugan yahay u kuurgeli doona xaaladda ciidamada isalmarkaana warbixino ka dhegeysan doona saraakiisha ciidamada hoggaamineysa gaar ahaan taliyaha guud ee ciidamada difaaca Puntland Jen. Siciid Dheere.

Booqashada Madaxweynaha waxaa ku weheliya wasiirro uu kamid yahay Wasiirka Amnigu, saraakiil ciidan iyo weliba mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bari.

Dowladdii hore ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Farole hoggaaminayey ayaa dagaallo xooggan kooxda Al-shabaab deegaanadaas kula gashay isalamarkaana kasoo hoydey guulo waaweyn.

Waxaa xusid mudan in saldhigyada ciidamada ee buuraleyda Galgala muddo todobaadyo ah ku sugnaayeen islamarkaana hogaaminayeen ciidamada Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Cabdisamed Cali Shire  iyo Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilko-jiir.

GAROWE ONILNE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM