Madaweynaha Somalia oo berri kusoo wajahan magaalada Garowe

Image

GAROWE April 27,2015 ( GO)- Wararka aan ka helyno xubno ka tirsan dowlada Puntland ayaa sheegaya in madaxweynaha dowlada Federaalka Xasan Shiikh maalinta berri ah April 28, 2015 booqasho labo cisho qaadaneysa ku imaanayo magaalada madaxda Puntland ee Garowe.

Booqashada madaxweyne Xasn Shiikh ayaa wararkaan sheegayaan inuu kaga qayb gali doona magaalada Garowe kulankii labaad ee dhexmara madaxda maamulada Somalia iyo dowlada Federaalka kasoo imaanaya xilli uu socdo shir maamul goboleed loogu dhisayo gobolada Galgaduud iyo Koonfurta Mudug.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Xasan Shiikh oo dabada ka riixayey shirweynaha maamul u sameynta gobolada dhexe ee Somalia ayaa rumeysan in Gobolka Galgaduud iyo mudug ka dhismi doono maamul goboleedkaan.

Dhinaca kale dadweynaha Puntland ayaa waxaa ku jira guux weyn kasoo kaga hadlayaan saameynta ay ku yeelan karto gobolka Mudug qorshaha rasmiga ah ee dowlada Federaalka ka leedahay maamul u sameynta gobolada dhexe ee Somalia.

Magaalada Galkacayo ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxaa ka socdey shirar dadweynaha degan gobolkaas uga arinsanyaan shirka gobolada dhexe loogu dhisayo maamul goboleedka.

Kulanka la filayo in maalmaha soo socda uga furmo magaalada Garowe madaxda Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo dowlada Federaalka Somalia ayaa shacabka Puntland dhagaha u tagayaan in qodobkaan lagaga hadlo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM