Madaxda dowlada Federalka iyo PL oo la hadley saxafada [Dhageyso]

Image
Image
Image

GAROWE 28 April, 2015 (GO)- Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia Xasan Shiikh oo maanta kasoo dagey magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey isaga booqasho sadex cisho qaadaneysa ku joogi doona halkaas.

Madaxweynayaasha dowlada Federaalka iyo Puntland ayaa saxaafada kula hadley aqalka madaxtooyada Garowe isaga oo sheegey in madaxda Puntland kala hadli doono sidii wadatshi looga sameyn lahaa Higsiga 2016.

Magaalada Garowe ayaa waxaa ka dhici doona wejiga labaad ee shirka dowladda dhexe ee federaalka iyo dowladaha qaybta ka ah federaalka. - 

Warar hoose ee Garowe Online heleyso ayaa sheegaya in kulankaan madaxda maamulada Somalia iyo dowlada Federaalka madaxweyne Xasan Shiikh uga faa'ideysan doono mowqif mideysan in laga gaaro qorshaha higsiga 2016 kasoo muddo yar ka dhiman tahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM

Madaxweyne Deni oo soo dhoweeyay Golaha Mucaaradka ee Muqdisho laga dhawaaqay

Puntland ayaa xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya kadib markii ay ku xad-gudubtay dastuurka, sidoo kalena awoodda isku soo koobtay.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 09:28AM