Puntland: Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo Barlamanka hortagaya

Image

22 November, 2015(GO)-Barlamanka Puntland oo ku guda jira kalfadhiga 36-aad ee golaha wakiillada Puntland ayaa la filayaa inay dhawaan u yeeraan Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey.

Labada mas'uul ayaa Barlamanku qorshaynayaan inay wax ka weydiiyaan sababta xukuumaddu uga hadli la'dahay dhulka maqan ee ka tirsan Puntland, taasi oo lagu galay ololihii doorashada.

Xildhibaanada ayaa tilmaamay inay sugayaan waqtiga rasmiga ah ee labada mas'uul hor imaan karaan Barlamanka si loo weydiiyo qorshayaashooda ku aadan dhulka maqan iyo sababta xukuumaddu uga gaabisay.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa xilligii uu murashaxa ahaa saxaafadda ka sheegay in Laas-caano faataxo lagu qabsan laguna soo celin doonin.

Ballanqaadkaas iyo kuwa kale oo Madaxweyne Gaas xilligii doorashada galay ayaa dhammaatood wax ka hirgalin, waxaana ka mid ah in dadka reer Garowe heli doonaan biyo macaan.

Dhawaan Madaxweynaha oo hortagay Barlamanka ayaa wax laga weydiiyay xaaladda Puntland iyo lacago dowladdu daabacday balse wuu ka gaabsaday, waxaana Xildhibaankii weydiiyay oo lagu magacaabo Saciid Samatar Surcad uu saxaafadda u sheegay inuusan ku qancin jawaabaha madaxweynuhu bixiyay.

  GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM