​Madaxda Puntland oo la kulmay ciidanka guulaystay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxda ugu sarraysay dowladda Puntland ayaa maanta la kulmay ciidamada qalabka sida ee dhawaan soo afjaray Shabaabta ka dagaallamaysay deegaanada Garmaal iyo Suuj ee gobolka Nugal, waxaana booqashadaasi xambaarsanayd sidii ciidanka looga mahadcelin lahaa howlgalkaasi.

Ugu horrayn Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland oo welinayeen xubno katirsan xukuumadda ayaa waxay booqashadooda ka bilaabeen xerada ciidanka PSF ( Puntland Security Forces), iyagoo halkaasi salaan sharaf kaga qaatay cutubyo katirsan ciidamada qalabka sida ee Puntland.

Saraakiishii hoggaaminaysey ciidamadaas ayaa madaxda u sheegay in howlgalkaasi soo dhammaaday, waxayna intaasi raaciyeen inay diyaar u yihiin la dagaallanka kooxaha xagjirka ah ee doonaya inay fidno ka abuuraan deegaanada Puntland.

Cabdiwali Maxamed Cali iyo Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa sidoo kale u tagay ciidanka ilaaladda badda Puntland (Puntland Marine Police Forces(PMPF) oo kaalin weyn kulahaa dagaalkii lagaga sifaynayey deegaano xeebeedyada Puntland kooxihii Shabaab, kuwaas oo  bad iyo berriba ka garaacay iyagoo adeegsanayey doonyaha dheereeya ee ciidanka iyo gawaadhida gaashaaman.

Madaxeynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ciidamada difaaca Puntland wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin geesiyaal aan sida loo gabbado aqoon, sidoo kalena ku ammaanan yihiin guulaha wax ku’oolka ah ee usoo hooyeen dalkooda, dadkooda, diintooda iyo dawladdoodaba.

Gaas ayaa sidoo kale la filayaa inuu booqdo ciidamada Darawiishta Puntland, wuxaana booqashadani kusoo aadaysaa xilli ay socdaan dagaallo lagula jiro kooxdaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM