​Madaxda Puntland oo la kulmay ciidanka guulaystay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxda ugu sarraysay dowladda Puntland ayaa maanta la kulmay ciidamada qalabka sida ee dhawaan soo afjaray Shabaabta ka dagaallamaysay deegaanada Garmaal iyo Suuj ee gobolka Nugal, waxaana booqashadaasi xambaarsanayd sidii ciidanka looga mahadcelin lahaa howlgalkaasi.

Ugu horrayn Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland oo welinayeen xubno katirsan xukuumadda ayaa waxay booqashadooda ka bilaabeen xerada ciidanka PSF ( Puntland Security Forces), iyagoo halkaasi salaan sharaf kaga qaatay cutubyo katirsan ciidamada qalabka sida ee Puntland.

Saraakiishii hoggaaminaysey ciidamadaas ayaa madaxda u sheegay in howlgalkaasi soo dhammaaday, waxayna intaasi raaciyeen inay diyaar u yihiin la dagaallanka kooxaha xagjirka ah ee doonaya inay fidno ka abuuraan deegaanada Puntland.

Cabdiwali Maxamed Cali iyo Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa sidoo kale u tagay ciidanka ilaaladda badda Puntland (Puntland Marine Police Forces(PMPF) oo kaalin weyn kulahaa dagaalkii lagaga sifaynayey deegaano xeebeedyada Puntland kooxihii Shabaab, kuwaas oo  bad iyo berriba ka garaacay iyagoo adeegsanayey doonyaha dheereeya ee ciidanka iyo gawaadhida gaashaaman.

Madaxeynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ciidamada difaaca Puntland wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin geesiyaal aan sida loo gabbado aqoon, sidoo kalena ku ammaanan yihiin guulaha wax ku’oolka ah ee usoo hooyeen dalkooda, dadkooda, diintooda iyo dawladdoodaba.

Gaas ayaa sidoo kale la filayaa inuu booqdo ciidamada Darawiishta Puntland, wuxaana booqashadani kusoo aadaysaa xilli ay socdaan dagaallo lagula jiro kooxdaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM