Dhageyso: Kulan dhexmarey markale Puntland iyo Galmudug

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

04 December, 2015(GO)-Waxaa maanta mar kale garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yusuf ee Galkacyo lagu qabtay kulan u dhaxeeya Madaxda Puntland iyo Galmudug oo weheliyaan saraakiisha ciidamada is horfadhiya ee ku sugan xarunta gobolka Mudug.

Kulanka labada dhinac, waxaa ku soo biiray culimaa'udiinka labada dhinac, kuwaasi oo uga waramay mas'uuliyiinta cawaaqib xumada ka dhalan karta Aakhiro iyo Adduunka qofkii dila qof muslim ah.

Dowladda Federalka iyo maamulka Jubabaland aya arrintan dhexdiyaal ka ah, waxayna rajo wanaagsan ka muujiyeen inay hirgalin doonaa hishiisyada labada maamul kala saxiixdeen.

Shirkan ayaa saxaafaddu dibad joog ka ahayd, waxaana waxyaabihii ka soo baxay warbaahinta uga waramay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka Somalia Cabdiraxmaan Odowaa, isagoo tilmaamay in dhammaan ujeedkii shirka la isku afgartay.

Odowaa ayaa sidoo kale xusay, in galabta la kala qaadayo ciidamada labada maamul isla markaan Madaxdu tagi doonaan meelaha ciidamadu isku horfadhiyaan.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli shalay magalada ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ka dib hishiis lagu kala saxiixday garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM