Beesha caalamka oo diidey in Kismayo lagu kala tago

Image

KISMAYO- Wararka aan ka heleyno kulanka Kismayo uga socda madaxda Somalida ayaa sheegaya in beesha caalamka faragalin ku soo sameysay wadahadalka xalka loogu raadinayo qaabka doorasho ee Somalia iyadoo islamarkaana diidey in lagu kala tago halkaas.

Xubnaha beesha caalamka ayaa culeys gaar ah soo saarey madaxweynaha Somalia oo qorsheynayey in maalintii shaley ka ambabaxo magaalada Kismayo kadib markii la isku afgaran waayey wadahadalkaan. 

Xogta aan ka heleyno ayaa sheegeysa ineysan jirin wax wadahadalo ah oo dhacey shaley galab ilaa xaley balse madaxda Somalida kuwada sugan yihiin halka ay ka dagan yihiin magaalada Kismayo.

Xubno ka tirsan beesha caalamka iyo urur goboleedka IGAD ayaa maanta laga filayaa iney soo gaaran magaalada Kismayo.

Lama oga qorshaha beesha caalamka oo gacanta ku haysa dowlada Xasan Sheekh maaliyad ahaan iyo ciidam-ba ay keeni doonaan si loo xaliyo is-mari-waaga taagan.

Madaxweynaha Somalia ayaa kulanka magaalada Kismayo ka socda aan wax gorgortan ah ka galin nidaamka uu rabo inuu dib ugu soo noqdo xafiiska isaga oo cadeeyey in xulashada 4.5 tahay habka kaliya ee shacabka Somalida kusoo dooran karaan xildhibaanadoda.

Dowlada Somalia ayaa magaalada Muqdishu ka abaabushey kulamo bulshada degan ku diideyso nidaamka degmo in lagu soo xusho labada aqal ee Barlamanka Somalia ka koobnaan doono. Halkan ka daawo

Xogogaal ayaa u sheegey Garowe online in hab-dhaqanka madaxweyne Xasan ee kulanka Kismayo uu ka duwanaa kuwii hore isagoo ay ka muuqatey inuu bilaabey ololihiisa doorasho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM