Madaxda ugu sarreysa xafiiska QM ee Somalia oo soo gaarey Garowe

Image

GAROWE, 20 April,2015 (GO)- Waxaa maanta duhurkii magaalo madaxda Puntland ee Garowe soo gaarey wafti uu hoggaaminayo madaxa hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia Nicholas Key iyo ku-xigeenkiisa dhinaca arrimaha bini'aadamnimada Philippe Lazzarini. 

Waftiga Key ayey wararku sheegayaan iney ka qaadayaan magaalada Garowe maydka iyo dhaawaca saraakiisha u shaqeynaysay hay'adaha QM kuwasoo maanta lagu diley qarax ismiidaamin ah oo ka dhacey Garowe.

Qaraxaan oo lala beegsadey gaari bus ah oo sidey shaqaale ka tirsna hay'adda UNICEF  ayaa la rumeysan yahay inuu qof walxaha qarxa jirkiisa kusoo xirey kaasoo la sheegey inuu daaqadda ka qabsadey gaarigaan oo taagnaa afaafka hore aqal hay'adda FAO dagantahay.

Booqashada Nicholas Key ayaa sida wararka Garowe Online heleyso sheegayaan, waxay la xiriirtaa sidii uu mas'uuliyiinta dowlada Puntland ugala xaajoon lahaa adkeynta amaanka xarumaha Qaramada Midoobey ee ku yaal magaalo madaxda Garowe.

Dowlada Puntland ayaa maanta magacowdey guddi ka kooban wasiiro iyo saraakiil kuwaasoo la sheegey iney baaris ku sameynayaan sida qaraxaasi u dhacey.

Ururka Al-shabaab ayaa mas'uuliyada qaraxaan sheegtey iyaga oo war-saxafdeed ku xusey in mid kamid ah dagaal yahannadooda qarax la beegsadey shaqaale u shaqeeya Qaramada Midoobey.

Garowe Online kala soco wixii warar ah oo kaso kordha arrintan...

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM

Madaxweyne Deni oo soo dhoweeyay Golaha Mucaaradka ee Muqdisho laga dhawaaqay

Puntland ayaa xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya kadib markii ay ku xad-gudubtay dastuurka, sidoo kalena awoodda isku soo koobtay.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 09:28AM