Madaxda warbaahinta madaxa bannaan ee PL oo la baafinayo

Image

July 4, 2015 (GO)- Farrriin ka timid Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo laga baahiyey Telefishinka ku hadla afka Dowladda Puntland (PLTV), ayaa lagu baafiyey magacyada ku dhowaad labaatan mas'uul oo kamid ah madaxda warbaahinta madaxa bannaan ee ka hawlgasha Puntland.

Mas'uuliyiinta la baafiyey oo u badan agaasimeyaasha idaacadaha, telefishinnada iyo mareegaha internetka, waxaa lagu amray inay ka soo qayb galaan kulan maalinta Talaadada ee soo aaddan (July 7, 2015) ka dhici doona xarunta wasaaradda ee Garowe, arrintaas oo dad badan layaab ku noqotey.

Su'aasha aadka laysu weydiinayo ayaa ah sababta ku kalliftey Wasaaradda Warfaafinta in ay warbaahin caalami ah ka baafiso dad si fudud loogu wargelin karey inay kulankaas soo xaadiraan.

Sidoo kale, qaar badan oo kamid ah bahda warbaahinta Puntland ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid aan munaasib ahayn islamarkaana meel ka dhac ku ah baratakoolka dowliga ah.

Dhanka kale, arrintan ayaa noqotey mid si weyn loogu faalleeyey baraha bulshadu ku xiriirto gaar ahaan Facebook.

Maalmo kahor ayey ahayd markii lagu amray maamulka iyo shaqaalaha Puntland TV inaysn baahin karin wararka ka baxsan Puntland, maadaama markii hore telefishinka laga sii deyn jirey wararka laga soo diray gobollada dhexe iyo koonfurta.

Telefishinka iyo idaacadda ku hadla afka dowladda Puntland oo markii hore si toos ah u hoos tegi jirey madaxtooyada, bishii March ee lasoo dhaafay ayaa la hoos geeyey Wasaaradda Warfaafinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM