Madaxdii hore ee dalka oo ku soo wajahan Garowe

Image
Garowe ayaa la filaya inay ka soo ifbaxdo madal siyaasadeed oo mucaarad ah, kuwaas oo miisaan culus ku leh dalka

Garowe, Soomaaliya - Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynayaashii hore ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ay isku diyaarinayeen inay maanta u ambabaxaan magaalada Garowe.

Safarkan ayaa bilaw u noqonaya wada-hadallo siyaasadeed oo loo dhan yahay, oo ay ka qeyb gali doonaan saamilayda siyaasadeed, iyadoo laga jawaabayo martiqaadkii madaxweyne Saciid Cabdallahi Deni ee bishii Janaayo ee la soo dhaafay.

Galka dastuurka ayaa la siin doonaa mudnaan gaar ah inta ay socdaan wadahadalladan, maadaama dhinacyada siyaasadda ay isku haystaan hannaanka wax ka bedelka dastuurka.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si buuxda u diidan hanaanka uu Baarlamaanka u marayo wax-ka-beddelka dastuurka iyaga oo ku sifeeyay in la qorayo dastuur, isla markaana aan la isku waafaqsaneen maadaama ay Puntland ka maqantahay madasha wadatashiga Qaranka.

Dalku waxa uu galayaa marxalad cusub, iyadoo la filayo in Garowe ay ka soo ifbaxdo madal siyaasadeed oo mucaarad ah, kuwaas oo miisaan culus ku leh dalka, kana soo horjeeda dadaalka maamulka talada haya ee dardargelinta hanaanka dhameystirka dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM