Madaxtooyada Puntland oo lagu eedeeyey iney abaabusho tumashada [ Daawo]

Image

BOSSASO- Barnaamij Nadwo ah oo magaalada Bossaso ku qabteen Culimada fadhigoodu yahay xarunta ganacsiga ee maamulka Puntland ayaa waxaa laga sheegey in xarumaha Dowlada laga soo aabaabulo barnaamijyada tumashada.

Culimada ayaa sheegtey in barnaamijyada fanka ee ku soo kordhaya wayadaan dambe Puntland lagu qabto xarumaha dowlada sida Madaxtooyada, xarumaha gobolada, degmooyinka iyo goobaha kale ee Dowlada.

Nadwadaan ayaa laga sheegey in barnaamijyada fanka ee ka socda Puntland  aan lagu qaban ama ay soo abaabulin qaybaha kale duwan ee shacabka ama  shirkadahiisa ganacsiga. 

Waddaada diinta ayaa sidoo kale eedeyey soo dhoweynta dhowaan degmooyinka Puntland loogu qabtey kuwasoo ay la socdeen bandhig faneedyo loogu dabaadagayo guulahaas. 

Hadalka Culimada ayaa imaanaya xilli ay diideen dhowaan bandhig faneed fanaanada Nateexo Indho ku qabaneysay magaalada Garowe.

Eedeymaha cullimada ayaa waxaan weli ka jawaabin Wasaarada caddaalada Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo xubno ka tirsan xafiiskiisa ka mid yihiin  bahda fanka ayaa muhiimad gaar ah siiya barnaamijyadaan loo soo jeedinayo eedymahaan.

HALKA KA DAAWO BARNAAMIJKA CULIMADA- XIGASHO SBC

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM